Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Erdogan oo Muqdisho soo gaarey, mashaariicna furey “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Erdogan oo Muqdisho soo gaarey, mashaariicna furey “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

25 January, 2015, Muqdisho: Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo wafdi balaaran oo uu hoggaaminayo ayaa ka soo degey gegida diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo booqasho rasmi ah uu ku yimid. Madaxweyne Erdogan oo ay wehliyaan xaaskiisa , xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo saraakiil kale ayaa waxaa garoonka si diiran ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Marwada 1aad Marwo Qamar Cali Cumar, Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharmaarke iyo mas’uuliyiin kale.

Labada madaxweyne ayaa salaan sharaf kaga qaatey garoonka, cutubyo ka tirsan ciidammada qalabka sida, iyadoo halkaasina laga tumey heesaha astaanta calanka labada dal.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

Labada madaxweyne ayaa si wadajir ah u furey terminalka cusub ee caalamiga ee garoonka Aadan Cadde, halkaas oo furitaanka kadib ay khudbado ka jeediyeen.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey dowladda Turkiga hirgelinta terminaalkan cusub oo uu sheegay inay ka mid yihiin mashariicda faraha badan iyo taageerada hagar la’aanta ah ee shacabka iyo dowladda Turkiga mar walba la garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed.

“Aad ban ugu faraxsanahay inaan manta Madaxweyne Erdogan ku sii dhoweeyo terminalka cusub ee garoonka Aadan Cadde. Laba sanno ka hor markii ugu horeysey ee diyaarad rakaab oo Turkiga leeyahay halkan soo cagadhigatey Muqdisho waxay calaamad u ahayd waa cusub oo Soomaaliya u baryey. Taasi waxay ka dhigtey Soomaaliya inaan mar kale loo arkin inay tahay waddan aan la iman Karin oo dhibaato uun ay ka jirto, khatarna ah imaatinkeeda. Maanta in mar kale imaanshaha diyaaraddaada waxay xusuusin joogta ah u tahay inay si weyn u soo hagaagtey xaaladdda amniga ee Soomaaliya, kalsoonida lagu qabo dalkeena iyo deeqsinimada walaalaheena Turkiga, dhismaha terminalkan cusubna waa tusaale kale oo muujineysa wanaagga ay nala rabaan Turkiga ’’.

Madaxweyne Erdogan ayaa isna ka mahadceliyey sida quruxda badan ee loogu sooo dhoweeyay Muqdisho, isagoo sheegay in dowladda Turkiga ay ka go’an tahay inay garab istaagto Soomaaliya si ay uga soo kabsato colaaddii iyo burburkii muddada dheer soo jirey.

“Waanu idin garab taaganahay, farxad ayayna ii tahay in aan mar kale Muqdisho imaado si aan u dhiirigeliyo taageerada aan idin hayno. Waan hubaa in aad ka gudbi doontaan caqabadaha jira, waana muuqataa in isbeddel weyn uu jiro safarkeygii hore iyo kan maanta”.

Intaa kadib labada Madaxweyne ayaa booqdey, wadajirna u furey isbitaalka Digfer oo dib loo dhisey looguna magic darey Xarunta Culuunta Cilmi barista Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo gacan weyn ka geysanayaa inuu daboolo baahida caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Erdogan oo halkaasi ka hadley ayaa sheegay in mashaariicdan ay astaan u yihiin xiriirka iyo walaaltinimada qotada dheer ee labada dal, Turkigana uu ogsoon yahay in dalkan ay ka jiraan baahiyo bulsho oo caafimaadku kow ka yahay.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna halkaasi hadal ka jeediyey sheegagyna furitaanka xaruntan ay taariikh lama ilaabaan ah u tahay Soomaaliya.

“Maanta oo la furayo Isbitaalka Culuunta Caafimaadka iyo Cilmibaarista ee Soomaaliya iyo Turkiga, ma ahan oo keliya in dowladda Turkiga ay Soomaaliya ka caawineysaa sidii adeeg caafimaad oo tayo leh loogu fidin lahaa shacabka Sooomaaliyeed, balse waxaa iyana daba socota sidii loo tababari lahaa jiilka soo socda ee hawlwadeennada caafimaadka Soomaaliya”.

“Taageeradan waxay inoo saamaxaysaa in adeegyada iyo xirfadaha sida aadka ah loogu baahan yahay la gaarsiiyo dhammaan isbitaalada ku yaalla Soomaaliya,iyo inaan bilownoo nidaam qaran oo tayo leh, kaas oo an shacabka ugu fidineyno adeegga caafimaad ee ay u baahan yihiin’’.

Labada dhinac ee Soomaaliya iyo Turkiga ayaa furitaanka mashaariicda ka dib waxaa wadahadal la xiriira iskaashiga labada dal ay ku yeesheen xarunta Madaxtooyada, iyadoo diiradda lagu saarey mashaariicda horumarinta ee Turkiga ka wado Soomaaliya, iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, arrimaha bulshada, militariga iyo dhinacyo kale oo muhiim ah.

DHAMMAAD

DSC03935

DSC03930

DSC03923

DSC03917

DSC03939

DSC03933

DSC03934

DSC03928

DSC03931

Previous Post

DAAWO-muuqaaka Soo dhaweynta Madaxweyne Ordogaan iyo Furitaankii Garoonka Iyo Digfeer.

Next Post

Madaxweynaha: “Mar kale ayaan saaxiibadeena Turkiga dib ugu soo dhoweyneynaa Soomaaliya” SAWIRRO

Next Post
Madaxweynaha: “Mar kale ayaan saaxiibadeena Turkiga dib ugu soo dhoweyneynaa Soomaaliya” SAWIRRO

Madaxweynaha: “Mar kale ayaan saaxiibadeena Turkiga dib ugu soo dhoweyneynaa Soomaaliya” SAWIRRO

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In